sida la ii ilbaxahayo
farow iyo nugaal helay
ay xareedo fiidkii

farowgu iyo ugaadhiyo
kafan jeejay geedihi

ma ogatahay fartuuney
caaashaqan fogaadiyo
feedhaha jidhkaygiyo
ogaaduku faafay
ku fogaadey dhiige

adna fahan jacaylkoo
sidaan ugu furfuranahay
adigana ugu faraxoo
waa inaad u filisaa

sidaa qorox falaadhihii
fiidsatoo dhacaysiyo
farxadaydibaa tahoo
inan yahay filkaban
kaa fiirsanaaya

ma ogtahay fartuuney
faalada jacaylkiyo
faaqidaada caashaqa
fikir igu abuurtoo
ma fayoobi aniguye

Exit mobile version