miyaan seexdaa hurdada
miyaan soo jeed darteed
salaada markii la kaco
anigu soo taaganahay

samaanta adaa hayee
intaan isa seegi lahayn
jacaylkii soomanaa
sidaa yaan looga tagin

adaa fadxiyaay sadriga
sidii ubax uga baxoo
haweenba adaa ugu sitoo

miyaan sugayaa naf maqan
miyaan sabayaa kalgacal
miyaan sida ruux la maray
anigu ku saabanahay

naftayda adaa sitee
adoon sahlanayn cishqiga
sokeeye hadaynu nahay
xumaan sahay ha iiga dhigin
bal soo soco sacabo furan

Exit mobile version