hooyooy habooneey
adiga i habaayoo
hadhuub ii culaayo
geedkii aan hadhsanaayiyo
hooskaygiibaad tahee

habeen qudha anoo jiray
adigaa hamuuntiyo
haraad iga ilaashoo
ii dhigay horaadkee

hantidayda oo idil
hadaan kuu hibeeyana
xaqu igama hadhaayee
hor ilaahay iyo aakhiraad helaysaa

halbawlaha jidhkaygiyo
ma huraankii noloshaay
baydkaagu hodan noqoy

naftu waa habeenba meel
heedu markay timaadana
hoygaagu janada noqoy
hooyooy janada noqoy

hooyooy haboonayn
hadaaqayga mooyee
anigoon halaba baran
adigaa higaadiyo
ii saxaayay hadalkee

adigaa i hagaayoo
halis ig duwaayoo
adigaa i hogaanshoo
wanaag ii horseedee

waan kuu hilooboo
markii aan hurdada galo
adigaa i horjoogoo
i hanooninaaya
sahwiyaa habeenkii

Exit mobile version