waan ku dheehdayoo
waan kla dhacoo
dhuuxaad gashee
sida dhabiga iyo
dhul hareeriyaan
kuu dhiganayaa

habeen iyo dharaar
halkii la i dhuftaan
dhooldhooliyaa

igu soo dhawoow
ii dhiib gacmaha
dhigaabaan ahoo
kuu dhimanayee

waad igu dhantahoo
igu dhararantood
i dhalaalisee
igu dheertahood
dhabarkiyo lafaha
bohol iga dhigtee

dhankaad eegta iyo
dhinacii kastaba
waa jacayl dhabee

waa la i dhuftoo
dheelalawsanoo
kugu dhololayaa
dhibtaa caashaqaa
dhafoorada dhinbiil
ka dhamaysayoo

dadkoo dhaxan qaboo
dhado qoysaybaan
anuu dhididayaa

Exit mobile version