subax weeyi khayr
sanad guuradii
sool iyo sanaag
cayn saw ma bilan

saansaan la beeg
seermawadadiyo
sagalbaa curtee
buuhoodle sow
saraar looma kicin

sabarada nugaal
seeraha xalaneee
laas caaniyoo
balsoo eeg taleex

SAATIROW ALLOW
saxarkii baxyee
sinaaniyo midnimo
sumad nooga yeel

jiidale socdaal lagu soo maryeey
daacame samaan lagu seexayee

sida loogu bogay
ma sifayn karee
dalada sst soomaaliyeey
sacabada u tuma

Exit mobile version