hurdo kama bogtoo
barkinbaan ku tiirshaa
boga iyo calooshee

beerkaan u seexdaa
barbarada ma qabanaayee

anigoo burburayoo
dhinacyadu i barareen
waagu ii baryee

bogii jacaylku wuxuu i baday
ayaan iga ba'aynee

intii aan bad qabayee
hawshiisu igu badan
haba baran lahaayaa
ha u bixin lahaayaa
imikoon bastay ahay
baroor miyaa wax ii qaban

bogsan maayo oo
bilicdiyo nasiibkay
midna u baxsan waayee

cadceedaa bildhaantaa
iga baafin waydee

bil waliba bishii kale
igu sii balamisoo
badal iigu dhiibtee

Exit mobile version