daruuraha cirkoo shux
soo shubay aroornimo
dabayluhu shanqadiyeen
shabaxleeyay doogii

shishe qofaad u jeceshay
sheeda ma iska eegteen
iyo shuqulka caashaqa
baahida ku shawrteen

idinkoon wax sheelayn
shaydagaba kaba lehe
sharaclee xishood jiraa
waa shax laba gayaane
si yar si yar si yar si yar ma u shushubiseen

shishe qof is tiqiiniin
isinkoo shido u qabay
jacaylbaa ku shidayee
shalay aad heshiiseen

waxaad shaamareertoo
shoogii kalgacalkee
xidigaha la shawrtaba
ma ka qaaday shaacii

Exit mobile version