dhibta iyo jacaylka
ma marbaa la wada dhalay
miyaa la iska dheeloo
dhaxalbay wadaagaan
wuxuu dhuuxa raacaba
sookan dhuunigii jaray
hadal aan dhagtuba rabin
ma igu soo dhacaayaa
adna dhaayahaygoow
kuma dhaafi karayee
arinkii dhexdeeniyo
ma dhamaysanaa talo
dhawr saniyo maalmaan
kalgacayl dhadhabayee
hoosaan u dhuganee
dheeftiisa ila maal
kuwa dhaqaya xoolaha
waxay kuman dharaarood
dhenged ugu raacaan
dhuuniga in laga helo

Exit mobile version