aduun waano iyo wax sheegba
wakhtiga iyo waayahaygaa
wacdiga caashaqan kusiin
walaaca dadkaa lanoolee
wax saarka iyo wiirsigooda
adaa waran iigu dhiibay
warkayga wadigan dhaafay
waraabe adigaa uloogay
naftaydana waaqle geeyay
maantana waan toobi waayey
adiguuna wax eegi maysid
hadhowna wadeecadiisa
aniguunbaa layga weerii

wisiisiga xiisahaygaa
tashiga iyo waalalowga
inteen walbahaar la toosay
wacensiga caashaqeyga
walaalyow igu colaadshey
adaa wacanow ku saaray
wadnaha ka weecan waayey
wadiiqo adigaa ku dhaafay
jaceylkeenana wax yeelay
maantana waan toobi waaye
adiguna wax eegi maysid
hadhowna wadeecadiisa
anuunbaa layga weerii
maantana waan toobi waaye
adiguna wax eegi maysid
hadhowna wadeecadiisa
anuunbaa layga weerii

Exit mobile version