1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane
Yartu waa shidan tahee, Haa
Shalay Booramay ka timid
Shidnaa gabadhu haa
Shaan qurxoonaa
Alaa way i shiikhisee
Sharafteeda oo kale mid leh
indhahaygu may shifine
Shidnaa gabadhu haa
Shaan qurxoonaa
alaa way i shiikhisee
Shalay baan arkoo
Yartu way shidan tahee
Shacnigaa quruxdeeda
Yartu way shidan tahee
Waan ka helay quruxdeeda
Way i shiikhisee
Shakhsi la mid ah
Uma taalo yarta
Quruxdeeda hadalkeeda socodkeeda
Tallaabada say u geddin
HAAH HAAH
Waan ku boggay yartaay
Waan kaa helay yartaay
Waan ku qiray quruxda
Rabbibaa ku siiyoo
Waad ku dhaaftay qeyrkaa
Anna waan ku caashaqay. YEEH YEEH
Shidnaa gabadhu haa
Shaan qurxoonaa
alaa way i shiikhisee
Yartu waa macaan
waa malabka shinnida
Shalay ilaa hadda ah
Sheekadeedaan hayaa
Gabadhi aan arakana
iyadaan u shiishaa
Shacnigeeda quruxdeeda
Shalay Booramaa ka timid
Yartu waa shidan tahoo
ana waan sharaxayaa
ma ku noqdaa shaxaari
sheekadadeeda aan rabaa
shukaansi aan rabaa
shacnigeedaan la dhacay. YEEH YEEH
Shidnaa gabadhu haa
Shaan qurxoonaa
alaa way i shiikhisee, shidnaa
sharafteeda oo kale mid leh
indhaygu may shifine