Adaan hori kuu jeclaa
Hadeerna waan ku rabaa
Inaan ku hilmaamana
Hubaal ma awodaayo
Sidii baan habeenkii
Aduun hurdada
Wali kugu hadraa
Markaad hadashaa
Hanaqu darsaday
Aniga hami badan
iyo hawl igu soo ceshaayee
Adaan nafta kuu huraa
Hilawna waan kuu qabaa
Inaan ku hareer marana
Qudhani ma hawaysatee
Sudii baan hubaadhii aduun hididiyo
Xiska kugu habaa

Exit mobile version