hadaanan ku dhaafin
dhigaa raga jooga
oo anan ku dhiiran
dhigiyo udubkiisa
dhismaha aqalkeena

hadaanan dhabtayda
cidlada dhaxanteena
shalay nolol dhaanta
xiliga ku ilaawin
jacaylka dhexdeena
siduu u dhaboobi

dhiilkii kalgacaylka
intaan ku dhag siiyo
hadaanan ku dhaadan
kashaada dhayeynin
waxaad dhibsanyso
naftaada ka dhawrin
jacayl dhaxal yeesha
anaaba ka dhaaran

markaan laba dhiiga
jacaylku dhex qaadau
wadnaha isku dhiibney
noqonay dhud qudhata
sawka nacab dhuuntay

dhaayaha ku jeclaaday
ilmadii ka dhacaysay
sawtaa dhul u diiday
sacabku u dhugaysay
farxada dhabankaygu
sawkaa la dhalaalay

dhiilkii kalgacaylka
intaan ku dhag siiyo
hadaanan ku dhaadan
kashaada dhayeynin
waxaad dhibsanyso
naftaada ka dhawrin
jacayl dhaxal yeesha
anaaba ka dhaaran

Exit mobile version