intaan aamusnaayee
amakaagsanaabuu
waqtiguna ordaayoo
waayuhuna i ootee
aramidu isoo ridan
maad iman agtaydee
ana aan ku eegtee

amraneey nasiibkaa
wax abaabulaayoo
waa wada amaarado
dhibaatada aduunkuye
aramidu isoo ridan
maad iman agtaydoo
ana aanku eegtee

asalkaba jacaylku
intuu ugubka igu yahay
een uurkayga galin
oogada ku sii fidin
aramidu isoo ridan
maad iman agtaydee
ana aan ku eegtee

ayaamahan daraadaa
anfacadii ka go'yoo
anbadoo habaaboo
waanigan asqoobee
aramidu isoo ridin
maad iman agtaydoo
ana aan ku eegtee

Exit mobile version