gaaridii haweenkaay
geenyadaan jeclaayeey
adigaa galbeediyo
gal xareedi jiiftiyo
gol janiyo hargaysiyo
guryo samo ku nooloo
geel dhalay ku maalee
meelu gacal ka dheeryoo
la yidhaahdo gadarbaan
intaan gaadhay waa hore
waayuhu i geyoo
ka goyoonba maayee
hadii aad galmoon tahay
waa i gubay jacaylkuye
gurmadkiisa caashaqa
adiguna ha gaagixin
ana gaabis yaan noqon
anigoon ku gabaniyo
adigoon gardiid noqon
hadii uu gu'yaal badan
nafsi gaabinaayiyo
waqti gaar inoo helay
waxaan uga gol leeyahay
hadii GUULAHEEN qoray
kuwa guuxa dhaafee
gaaladu samaysee
ka gudbaaya badaha
soo galabso leeyee
adna gacaladaydaay
hadii aad golmoon tahay
waa i gubay jacaylkuye
gurmadkiisa caashaqa
adiguna ha gaagixin
ana gaabis yaan noqon