inkastuu jacayl dhabi
baryo dhuuxa taabtoo
dhawaqa iyo codkii lura
nafta uga dhignaa libin

lafta dhabarka haysaa
dhib yaraan bogsoonine
qalbi dhaawac gaadhana
dhaymadiisu adagtahay

ifku waa dharaaree
ha dhibtoon aduunkoo
ayaan qudha ha dheeliyin
ana dhiilo aan qabo

inkastoon lahaa dhawr
dhayal yay mudan ciil
ruuxdana dhamaanteed
kaaga dhigay maqaar saar

kamaan helin dhankaagii
waxaan kaa dhur sugayoo
uma taagin dhidibada
rajadii dhexdeenee

Exit mobile version