jacaylku furuu u baahday
cilmiyo ficilbuu qorshaystay
wuxuu u badheedhay fal

haduu fahankaagu liito
dulqaadkaguna fogaado
walow taladaada dhoohan
fardawshiyo eedahaaga
cid kale ha ku fara xumayn

falada galgacayl hankiisa
fagaare ka baanidiisayey
markaan cid ku fican waayay
anigu farahaan ka qaaday

jacaylka fankaa barbaarsha
fayoobi qof la hanoonsha
fogaan aragbaa daryeela

haduu dookh fiiro waayo
qalbigu faras madhan kaxaysto
dhab iyo filashano ka daaqo
ogow fiidyow wayrarkaagii
wuxuu ka gashaa fadeexad

Exit mobile version