VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Holaabi - Lyrics

sida daruur hogatay hilaaceedu biligay roobkuna hanqarayoo hanaan isu haysta haleelay karin iyo daalo hawadiyo laydha caafimaad hada luxanayaan laamuhu halkay xareedu goglatoo lagu soo hirtaayoo dadkuna u hayaamayaan sida habeno nagu wayn hiyigiyo laabta noogu yaal hargaysa la isu soo baxoo loo heesayo calankoo farxada lala hurdi waayay tan iyo hiirta waabari hawraarsan murti hufan heeladiyo saylaci hagaag la isula helaayoo hubaal salal iyo awdal haqab tirinteeniyo beero xag hore badu kaga beegantay xiis iyo maydh hogoshu qarisay laaguna hoos kaga muuqdee humaaga bilicsanee indhuhu kuu hawlanoo dunidaba lagaa helayn sida loogu hanwaynyahay naftaydu kugu hamisaaye hadaf qudha lagu mid yahay la isu wada hiilinayo midna la haqiraynoo hor ALLEE hogaanku yahay waa hodan dhulkeeniyo haluhuna inoo irmaan ku hafani maayee i hobsii caashaqa holaabi ila dheele ana inta hogooginayo hablaha maanta jooga ubaxeey adaa u horeeya haduu gabi hadh soo rogo ee hoosku galbeedku hadhaaye ragana hormuudkiibaad tahay kaafiyow hormuudkiibaa tahay ana inta hagooganiyo haduu gabi hadh soo rogo ee hablaha maanta jooga hoos galbeedku wuu hadhaaye ubuxeey adaa u horeeya kaafiyow hormuudkiibaad tahay
Queue is empty
-- / --