VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Holaabi mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Xuseen Kaafi
Holaabi

sida daruur hogatay
hilaaceedu biligay
roobkuna hanqarayoo
hanaan isu haysta
haleelay karin iyo daalo
hawadiyo laydha caafimaad
hada luxanayaan laamuhu
halkay xareedu goglatoo
lagu soo hirtaayoo
dadkuna u hayaamayaan

sida habeno nagu wayn
hiyigiyo laabta noogu yaal
hargaysa la isu soo baxoo
loo heesayo calankoo
farxada lala hurdi waayay
tan iyo hiirta waabari
hawraarsan murti hufan
heeladiyo saylaci
hagaag la isula helaayoo
hubaal salal iyo awdal

haqab tirinteeniyo beero
xag hore badu kaga beegantay
xiis iyo maydh hogoshu qarisay
laaguna hoos kaga muuqdee

humaaga bilicsanee
indhuhu kuu hawlanoo
dunidaba lagaa helayn
sida loogu hanwaynyahay
naftaydu kugu hamisaaye

hadaf qudha lagu mid yahay
la isu wada hiilinayo
midna la haqiraynoo
hor ALLEE hogaanku yahay

waa hodan dhulkeeniyo
haluhuna inoo irmaan
ku hafani maayee
i hobsii caashaqa
holaabi ila dheele

ana inta hogooginayo
hablaha maanta jooga
ubaxeey adaa u horeeya

haduu gabi hadh soo rogo ee
hoosku galbeedku hadhaaye
ragana hormuudkiibaad tahay
kaafiyow hormuudkiibaa tahay

ana inta hagooganiyo
haduu gabi hadh soo rogo ee
hablaha maanta jooga
hoos galbeedku wuu hadhaaye
ubuxeey adaa u horeeya
kaafiyow hormuudkiibaad tahay

codkii Xuseen Kaafi