dunida dhaldhalaalka iyo
ha daawanine ha guun
maxan dhaxan kuu galay
dhaayaha ha ku daaline
xaqiiqda dhabtaa ku yee

nolosha dhadhankeedu waa
lamaane is doortaa oo
quluubta is dhaafsada
qof aad isku dheertihiin
ogow lama dhayalsade

wax dhow oo aan fogeyn
waxan cimri dharar lahayn
cisiga yaanaay kuu dhigin
wakhtina yaanu kaaga dhicin

farxada dhowr habeen jirtee
markiiba dhamaanisiyo
kalgacal aan duux lahayn
dhanaba kuma geynayee
ogow dhalta maaha roob

wax dhaawaca sharafta oo
kuu dhimaya jiree
jacaylkana ceeb ka dhowr
cishqiga dhidibada u taag
dhexdeenana yaan la galin

Exit mobile version