jawharadii maankiyo
laabtu jiidanaysee
naftu ay u jeelnayd
iyo jamashadeedii

waanu kala jaciirmoo
anigiyo jacaylkii
nala kala jiheeyoo
ka jaqaafiyoo laday

jab wixii i gaadhiyo
jugtii waan ka ladanee
ruux ila jifoo
hadii aad jifood tahay
riyo beena ha u jabin

habeenkii ma ladi jirin
jeeroo aan dheehdoo
jabadkay ku nooshahay
soo yara agjoogsado

sida ruux jin galaybaan
jeedjeedsan jirayoo
waranbaa igu joogoo
caashaqu i jiidh goo

Exit mobile version