nafta yey la joogtee
yuufle uga dhawaaqdee
yuhuuntii dhexdeeniyo
yeedhmada ku noolayd

ana kugu yutaayoo
kaa daba yucyuci jiray
yaab ka dhacay jacaylkii
adaa yeelahood jaray

yacyacuun jacaylkii
adaa ugu yaboohoo
yeel ku yidhi wanaagoo
xumaan iigu yeedhoo
aniguna yurbaan idhi

gurigaan yagleelniyo
hoygaan yabyabi jirnay
waataad yar iyo wayn
yamaayuuq i galiseen

ana maanta yoolkii
yafyaafkii i daashadeen
hada yay dugaagiyo
waxa cunay yaxaskii

Exit mobile version