VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Indho Daraadar - Lyrics

Intay raarka dunidiyo Dadabteedu taagnayd Rag wuxuu amaan dumar Kalgacaylka deexdee Ku daleeyay tixa iyo Dabuub iyo farshaxan gabay Marka la isku soo daro Amaantaada dacal iyo Bad hadhuub la daray iyo Dulmar bay ka tahayoo Run markaan la diidayn Haldoorkii haweenkaay Adaa daalac sii dheer Indha daymo sugashada Hubqaadkaaga daawaday Daraandare qushuucoo Aduun bay ku doonaan Dhaqankii dadkaagiyo Hidihii dirkaagee Dawgii uu ku toosnaa Kama duwin ku dayashoo Durbaanada galbeedkiyo Kuma duufsan beentay Ku lumeen da,daayoo Huga darayo muusiyo Subeeciyada liigiyo Diilimo qurxoon loo Tidiciyo bul loo dabay Ka laalada darafyada Daganeey ka xidhantoo Indha daymo sugashada Hubqaadkaaga daawaday Daraandare qushuucoo Aduun bay ku doonaan
Queue is empty
-- / --