VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Indho Daraadar mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Yaasiin Jackson
Indho Daraadar

Intay raarka dunidiyo
Dadabteedu taagnayd
Rag wuxuu amaan dumar
Kalgacaylka deexdee
Ku daleeyay tixa iyo
Dabuub iyo farshaxan gabay
Marka la isku soo daro
Amaantaada dacal iyo
Bad hadhuub la daray iyo
Dulmar bay ka tahayoo
Run markaan la diidayn
Haldoorkii haweenkaay
Adaa daalac sii dheer
Indha daymo sugashada
Hubqaadkaaga daawaday
Daraandare qushuucoo
Aduun bay ku doonaan

Dhaqankii dadkaagiyo
Hidihii dirkaagee
Dawgii uu ku toosnaa
Kama duwin ku dayashoo
Durbaanada galbeedkiyo
Kuma duufsan beentay
Ku lumeen da,daayoo
Huga darayo muusiyo
Subeeciyada liigiyo
Diilimo qurxoon loo
Tidiciyo bul loo dabay
Ka laalada darafyada
Daganeey ka xidhantoo
Indha daymo sugashada
Hubqaadkaaga daawaday
Daraandare qushuucoo
Aduun bay ku doonaan

codkii Yaasiin Jackson