ila dheel dhex yareey
dhabanka i saareey
iisoo dhawaw kaama dheeriyeey

dhuubooy dhex yareey
dheeman luul hablaha
taan ku dhiiranayeey
aawada la dhuubtee
maad ila dheeshid

dhaxanta dhacaysaan
dhedidaa kaligay
dhawaaqayga dheel ha moodin
waa dhabtiiyee

dhaqdhaqaaqa socodkiyo
midabkaaga dhiinka ah
quruxdaad u dhalatiyo
dhaayahayga jiitee
dharaar iyo habeenkii
dhakafaarka aan qabo
waa jacaylka dhigiisee
dhaxal la igu siiyee

Exit mobile version