qalanjadii haweenkaay
qurux loo hibeeyaay
qarnigan hablaha kacay
qalbigeygu raacaay
qorax soo baxaysiyo
qamar lagu mataalaay
jaceyl iyo qarxadeybaa
qalbigeyga lulayee
hadii aadan wax ila qaban
waa hal isku dheyduye
qamarey nafteydani
qanci weyso waliged
adiga oon qaabilin
qarowga madeyse
qorax soo baxaysiyo
qamar lagu mataalaay
jaceyl iyo qarxadeybaa
qalbigeyga lulayee
hadii aadan wax ila qaban
waa hal isku dheyduye

Exit mobile version