iftiinkayga aragiyo
indhahaygi baa tahay
adimaad ku ciidmiyo
aqoontaydiiba tahay
sidaad ogsoontahay
intaa kula magaca
adigaan ku moodaa
axdi baynu dhiganee
aroos aan yagleelnee
arinkeenii ma caawaa

ilayskii naftaydiyo
alle miduu isiiyaa
ugubtaann jeclaayiyo
asluub badan ayaa tahay
adigaan ayaaneey
arinkii yimaadaba
ila oofinaayee
aqbal weeye xaajadu
alle noo ajiiboo
aqal galkenii weeyaan

afka kaama dhiga oo
intaan waa ku raadshaa
indhaha ruux ku saara
adiga kaa warystaa
cabdiyoow aynigaaga
adaan kuugu jecelahee
ha iga iilan waligaa
adigu burcaawoow
axdi baynnu dhiganee
aroos aan yagleelnee
arinkeenii ma caawaa

ilwaad samida quruxdaad
asaagaa ku dhaafte
ulashada kalgacal dhaba
ruux istaahilaa tahay
adigaa aynigaygaay
noqday oridaydee
alle isu keen daa
ani iyo adiga
aqbal weeye xaajadu
alle noo ajiiboo
aqal galkeenii weeyaan

Exit mobile version