booqoshiyo salaan
barashaa xigtee
inagoo bad qaba
jacaylkaan bilownee

barigii sidaan
balan kuula galay
iska daa bilee
waagii baryee
is bariidinaba
wuu biirayaa
sii badanayaa

baxsanow hadaan
bildhaantaada arag
waan bukoonayaa
bastay noqonayaa

bilicdaadu yrubeey
waa ii bogsiinoo
waa ii badbaadee
xasad iyo balaayaba
ILAAHOW na baal mari

bilicdaadu daauus
waa ii bosiimoo
waa ii badbaadee
xasad iyo balaayaba
EEBOW na baal mari

axdi buuxsamoo
burji iyo nasiib
baalaha ka galay
uma bacbac dhigee

qurux loo bogoo
bari iyo galbeed
la bogaadiyaa

farxad biyo dhigtaan
ku bahawnayoo
baradii kalgacal
ku bariisanee

ubax soo baxoo
baal dilaacsadaa
udugiisa badan
badh ku siinayaa

Exit mobile version