Ku hibeeyey ruuxdee
Sow habeen iyo maalin
Hareertaada naf joogta
Uma hiilani taada
Uma hiilani taada
Halka aad kaga taalo
Hanaqaygiyo beerka
Sow hubaal magacaaga
Uma soo hinqanaayo
2x
Dadnimaan hanti goynee
Mawle tuu u hibeeyey
Qof kastoo isku hawla
Matalkeeda Helaynin
Qof loo huro ruuxda
Gayaan waa adigu ahaane
Hanadkii qalbigayga
Ma haweysto gayaanku
2x
Horjoogaagu naftayda
Haraadku ka tiraaye
Hurdo mawdka horaysa
Ayaan Xabiibi ayaan xayaati
Ayaan xabiibii ku waayin
Ayaan Xabiibi ayaan xayaati
Ayaan xabiibii ku waayin
Hadalkaaga ma siisto
Hanadoow dunidaasi
Qalbigaad ku halayso
Ayaan Xabiibi ayaan xayaati
Ayaan xabiibii ku waayin
Ayaan Xabiibi ayaan xayaati
Ayaan xabiibii ku waayin
2x

Exit mobile version