Dookhii naftaydoow
Adigaan kudoortoo
Kumadayn karaayoo
Dadkaan kuugu jecelahayee
Damqashada naftaydu
Ladubaaxinaysana
Dareen gaara weeyoo
Dawadiisa haysaayeey
Damac iyo jacaylbaa
Iskukeen dilaayee
Degdeg iigu kaalay
Macaan iigu kaalay
Xabiibi iigu kaalay
……………………………
Doonistii hankaygoow
Anigaad ideeqdoo
Kuma diidi karayoo
Dhabbaan kuugu diranahayee
Dacaadnimadii dhexdeenaa
Dabar igu adkaysoo
Waa anigan daraadaa
Dadka uga irdhoobee
Damac iyo jacaylbaa
Iskukeen dilaayee
Degdeg iigu kaalay
Macaan iigu kaalay
Xabiibi iigu kaalay

Lyrics by Cabdi ismacil

Exit mobile version