markii laysku doorto
si daacadee
quluubta isdoontay
dareen ku dhex yaal

ayuu dar allee
jacayl dawo yahay
hodan iyo maxamed altooy
jacayl dawo yahay
hadaad rug dogsoon
dagteen caawaba

hodaniyo altooy
dookhii idinkaa
dabiib helee

kalgacayl ku aqal gala
caashaqa ku doogsada
muxibada ku diirsada
darmoo qudha ku wada lada
isna daadaheeyoo
noqda ul iyo diirkeed
gurigiina laga daah
dura iyo waswaaskee
dire dire ka nabad gala
dhaqan waa dulqaadkiyo
hadal dabacsanaantee
usii daaya laabaha
caashaqu ha darare
isku doonnisbaa tihiin
isku diirad kaliyoo
danta meel u wada jira
dareenkana wadaagee
ubad doora kala hela
ubad diin leh kala hela
aamin dadoow dhaha

farxada dunidee
dareemo nafluhu
guurbaa darajada
diiwaanka galoo

noloshuu isku duubnibay
daryeel ku dhashaa
hadaad rug doogsoon
dagteen caawaba

dookhhiii idinkaa dabiib u hellee

Exit mobile version