sidii garyaqaan garaadbadanbaan
jacaylka gu'yaal gardaadinayoo
guhaadiyo caashaqaan kala guray

garawshiyahaba nimaan garan jirin
ayaa gaf dhacay gudoon ka baxshoo
googaa cigale ka soo gudubnee

anaa gabal daye gobaariyo nacas
quruxda igu gaara goosan karayn
GUULOOW ha i badin waxaan ku gabyaba

gobtii qarankaan gayaan ka heloo
gurigii dhaqankaa arooriyo galab
labada galinba gogoshu ii taal

giraanta wareegta goor la arkaba
nolosha guradiyo gadaanka u sudhan
gadaaliyo hore dhan geedigu jiro

hadiyo goor nimaan go'aan ku lahayn
ama gam'ayoo gadaaba la socan
naftuu gabaybaa canaan ku gubtee

guhaan kalgacaylka gaadh ka hayow
guuraha nacabkana gurays ka arkaa
nasiib gacantayda soo galiyee

Exit mobile version