allow yaanan goyn ruux
gobanimo daraaded
galaban u baahanahay
gacan hiil i siiyo
ii galay abaal badan

godob yaanan aadmiga
cid u geysan uur xumo
niman gaajo hayso
madhantahay goshiisuna
gesiin in aan u taro
siin iyo wax u tara
allow yaan garaadkiyo
ii diidin garashadu

doqon yaan ku garab siin
gacal iyo xigaalnimo
geesi aana haybtiyo
yaanu ku dhicin kari reer
ninka ii god gali kara
dartay geeri mudan kara
ayuunban gacal nahay

allow yaanan galin quda
guja nacasta aadmiga
eray gafa qof igu yidhi
la god gali cadaawuhu
gocoshana ku ciil bixin

galad caashaqyaguna
guryo samo allahayaow
ala galo gondaarahay

inta guusha hanatee
galadaada weheshata
u gargaartay iga yeel
guulow inaga yeel
ayuunban gacal nahay

Exit mobile version