Gu'yaal anigoo samraayay
Naftaan raadkeeda goobay
Markii aan orod ku gaadhay
Markii gufi soo iftiintay
Ayuu kale meel la geeyo
Waqtigu iimuu garaabine

Markaan geed ubaxle beeray
Markaan cishqigii gardaadshay
Markaan idhi gama'oo seexo
Ayuu libtii iga mariyay geese
Waqtiga yaa noo gar naqa

Kumaan gafin kaan u jeelay
Danbiyo kama galin xumaato
Naftayduna kama ay go'aansane
Xiligu na kala go'doonshee
Godobta yaa ii horseeday

Gudoonso anoo filaayay
Midkaan u go'een jeclaaday
Markii aan garab ka doonay
Markii nuurkii soo guduudtay
Ayuu kala haab na geeyoo
Waqtigu iiga gacan sareeyaye

Markaan gacaltooyo beeray
Markaan noloshii ku goostay
Inaan guri wada yagleelno
Ayuu meel dheer u guuroo
Waqtigu sow ima lug goynin

Exit mobile version