Adaan Goor iyo Ayaan
Gooni kuu ahoon
Gayaan Kaa Tirsaday
Adaan Gabalkii dhacaba
Wiilyahoow waan ku Goobayaa

Adaa Geed Wabi ku yaala
Aniga ii ah Garashadaydee

Gugayga oo aan jirin lixsano
ayaan ku Gudoonsadoo
Gob iyo Baar baad taheee

Geyaan Noqon Ooridaa
Gadaal Ubad kuu dhashoo
Guri iyo Reer ku wadeeeee

Garoo ubax baan sidaa
Gudoonkiyoo
Gayaanku waa adiga

Aduu gacal iyo xigaal
Intaba garti u ahow

Adaan markastaba intaa
Inaan waayahu ku gabin

Gugayga oo aan jirin lixsano
ayaan ku Gudoonsadoo
Gob iyo Baar baad taheee

Geyaan Noqon Ooridaa
Gadaal Ubad kuu dhashoo
Guri iyo Reer ku wadeeeee

Exit mobile version