xariir iyo wiil goboo
dookhiii ii kaa xuliyo
cishqigii ii kaa xidhaa
xadhku ii soocdiyo
xakame igu hayoo

xili iyo maalmaan xusaa
xusuusta ku dheehanoo
qalbigaa xadantaynayoo
dharaaraa iga xigee

jacaylkan igu xasilay
xiskiyo maankayga dagayeey
xanuunbuu igu hayaaye
hadmaan ka xoroobayaa

jacayl xididaystayoo
awood iyo xooglebaan
sidii u xanbaarsanoo
xiisiyo waxaan kuu qabaa
xad dhaaf kalgacayl ahoo

kashaan kuu xaadhay iyo
laabtii aan kuu xalaan
xubiga wali kuu hayoo
xagaaguu ulanayeee

Exit mobile version