heleele iyo heleele heesaheena
anaa kuu hura naftoo
adaa qanacdaa u roga
higaada afkana ku bara
horaadkiyo guridambaysku
halbay ii yihiinoo
anuunbaa u hooyo ah
haduu hanad ii dhashoo
hadyadii rabi iigu deeqoow
halyay iisoo kordhoow
hadii aan hiil kasugi iyo
naanays ku hagoogiyoow

haleeleeli iyo haleeloo aabihiina
hogaan horumarkeen u taagan
halyeey jecel horumarkeena
hagarli,i noo dadaala
alloow aad hana qaadoo
haldoor diinta noqotaa
hadhkaagu na deeqaa
haduu hanad ii dhashoo
hadyadii rabi iigu deeqoow
halyay iisoo kordhoow
hadii aan hiil kasugi iyo
naanays ku hagoogiyoow
hobeeyaa

Exit mobile version