laabtayda wuxuu hadhsaday
habeenkii doonistoo
huradada dadka kale u furan
naftani ma haweysato
hagaag uma seexdo

kolkaan lamadood helaba
idhmiyo hugunban maqlaa

dabaylaha huguuguf leh
hawadu soo leexiso
heblaa adigoo i odhan
ayaan hoobey idhaa

soo jeed ku hawaawigiyo
hadaaquna waa kalgacal
halkuu dagayaa anaa oge
hankaygu nool ha lumi

horaa loo yidhi maahmaah
dhextaal wiilasha iyo hablaha
nolosha lada wada hayaa
hantaaqa laga ilaaliyo
hubaal la iskaga dhigee

hiilkaaga markaan tagaba
ismoogan ban hadlaa

haleelkuna wuu yaryahe
halmaankuna wuu batoo
humsiimo la'aanaya
kume hebeloo idhaa

soo jeed ku hawaawigiyo
hadaaquna waa kalgacal
halkuu dagayaa anaa oge
hankaygu nool ha lumi

Exit mobile version