Waxa jiray baryaha qaar
Sida jawhar jawhar iyo luul
Jaahaagu inanyohoow
Meel fog iiga heli jiray
Jaahaagu inanyohow
Meel fog iiga heli jiray

Sawnigii sawnigii
Sawnigii jidiinkiyo
Cuni jirin kufaaciga
Dhinacaygu jiifkiyo
Sigtuuba hurdaba jaray

Ma markaan ma markaan
Ma markaan jihaystee
Kaa jeestay adigaad
Ku suu jeedsanaysaa
Ku suu jeedsanaysaa

Markaan jaanta kaa rogay
Hadaad jamatay caashaqa
Kuu joojin maayee jaaw jaaw
Jaaw nabad galyee jaaw

Yaa jabiyay wacadkii
Kalgacaylkii
Kalgacaylkii yaa jaray
Yaa igu dirqiyi jiray
Inaan laabta kaa jaro
Yaa igu dirqiyi jiray
Inaan laabta kaa jaro

Sawdigii sawdigii
Sawdigii mar jaarkiyo
La joogayga nici jiray
Sawdigii jikaarkiyo
Jees jeeska igu falay

Ma markaan ma markaan
Ma markaan jacaylkii
Xididada u jaraybaa
Jiridisii wadataa

Markaan jaanta kaa rogay
Hadaad jamatay caashaqa
Kuu joojin maayee jaaw jaaw
Jaaw nabad galyee jaaw

Exit mobile version