Reranaad ku gubatiyo
Rubad gooyadaaduna
Rafaadkeyga weeyaan

Ma rabtaa ma yeeshaa
Adigoo ka raaliya
Raxmad weeye guurkuye
Haye ma isku raacnaa

Qofkuu kuu roonuunbaa
Roonuunbaa roonuunbaa
Xumaanta kaa reebayee

Wanaaga ku raaciyoo
Ishood kugu rabeeyoo
Raysiicaan kugu dhaqaa

Waxaan kuu naxaynaa
Rajo lagama suga oo
Rafiiq lalama yeeshee

Jacayl runaan kuu wadaa
kuu wadaa kuu wadaa
In lagu reeyaan wataa

Waliba raasamaal laho
Rug iyo rays lagu dagoo
Raxmadiisu buurantaa
Kuu wadaa

Reranaad ku gubatiyo
Rubad gooyadaaduna
Rafaadkeyga weeyaan

Exit mobile version