jacaylka xogtiisa
xantiisa ma hayne
ilayn xujo weeye
xakaara naftaada

sidii xays roobaad
intuu igu xiimay
xanuunkayga jidhkayga
sow xadkii ima dhaafin

maxaan xalay toosay
gogoshii xajin waayay
xumaduu igu reebay
ayaan la xaraamaya anigu

xusuusta jaacylka
intaa igu xeeran
ilayn xanan weeye
xuruufta idleeya

hadaaan xal u raadshay
xaqiiiqa ma gaadhin
gudigaan u xil saaray
xeerkiisa ma qaadin

Exit mobile version