ma ogtahay jaleecada
jacayl inuu ka beermoo
qalbigii dhex jiifoo
doookhu jalaska ii tumay

anoo damacu igu jirin
jamashana aan kuu qabin
miyaan kugula jaaraa
nolol aan jacayl wadan
miyaan kugula joogaa
guur calaf jujuub yahay

xagee baad jar dheeriyo
jufa buurta micida leh
isku saartay jeegooy

jaan qaadka maba nihin
dareen laba ku jaartee
haka tagin wixii jira

niyad jeedsatoo gudhan
qof jeclaaday ba,anaa

hadaad ii jabaysiyo
hadaad ii jiraban tahay
marna kuuma jiidh naxo

dar alloow jacaylkoow
qof kaa jeeda kaa galay
hadii an la jari karin
sideen ugu jiheeyaa

daw jirada biisoo
kaaha jabisa muxibada
in jacaylku leeyahay
xidigaha dhex joogsoo
bal jaylaani waydii
in jawaab laguu helo

xagee baad jar dheeriyo
jufo buurta micida leh
isku saartay jeegooy

jaan qaadka maba nihin
dareen laba ku jaartee
haka tagin xii jira

niyad jeedsatoo gudhan
qof jeclaaday ba,anaa

hadii aad ii jabaysiyo
hadaad ii jiraban tahay
marna kuuma jiidh naxo

Exit mobile version