Hadii dhagta ruux la jaro
Daluulku wuu joogayaa
Jaleelada geed u yaal
Midhaha laga jalamsadaa
2x

Jiriyo hada jooguba
Aadmigu waa is jidhayaan
Hadana laba jacay dhex yaal
Sinaba uma kala jarmaan
2x

Ka joog waar hooy ka joog
Ka joog waar hooy ka joog
Waxbaa jira,ee ka joog
Ha jarin caashaqa ka joog
2x

Hadaad jeestada adigu tahay
Dadbaa jaarnimada jecel
Jidgooyada looma dhigo
Halkuu qalbigaagu jiroo
2x

Indhaha soo jiidayoo
Jidhkaa i dubaaxiyee
Ileen kama jiifsan karo
Jacaylku waa ba,an yahee
2x

Ka joog waar hooy ka joog
Ka joog waar hooy ka joog
Waxbaa jira,ee ka joog
Ha jarin caashaqa ka joog
3x

Exit mobile version