Xiisaha kordhaayee hagaagay
Xaqiiq boholyowga maanku
ma haduu xubnahaaga taabtay

Anigoo kaligaa curmeeya
Adaa adigaa xadhigayga gooyay
Jacaylka markaan xanbaaray
Naftayda adaa xumeeyay

Xiskaagu haduu u qaatay
Inaan la xabaal galaayo
Xogtaaduun raadinteeda
Markaad kalgacaylka xoortay
Waataan nafta kaa xoreeyay

Xunbiyo maaha dadku xoore
Xajiin lama mariyo ruuxii
Xanaanayn kula ag jooga

Xisaabi intaan wanaaga
Samiyo ku xabeebtay waano
Ka dhawr xagal daac jacaylka

Exit mobile version