umaan baran nitaaqiyo
nafta wax yeeshoo
ana nolosha kuu huray
kumaan odhan i niyad jabi
kol hadaanu naxaris
nadigaygu kuu qabin
qalbigii kuu nuglaan jiray
nacabkiisa kuu galay
nasiibkii ikaa baday
igu noqo ragaan idhi

marbaan rabay nagaanshiyo
naruurada kalgacalkee
anoo kaa nisbaysanin
kamaan mudan nusqaan
kol hadaanu nasteex jirin
nidarkeenii uu buray
kaa nastee adna iga naso
ana naruuraan heli
nasiibkii ikaa baday
igu noqo ragaan idhi

Exit mobile version