sidaan kugu nugulahay
dhibta kula necebahay
iigumaad naxeyside
anoo adi ku naawilay
oo noole kuu jecel
niyadsami ha joogtee
nasteexaad ka dhigtaa
nabar ani i gaaree
adoo niyada iga jaray
jaceylkana nataaq iyo
naxli iyo xumaan baday
sow dookha nacaska ahi
raja naawil ima odhan(orann)

hadii aan ku naasibay
nafta adiga ku huray
inta nool kuu aaminay
naceyb sahal ku bermiyo
nudub igama dhowrtide
waxan sugi nasibkey
nastexad ka dhigataa
nabar ani i gaaree
adoo niyada iga jaray
jaceylkana nataaq iyo
naxli iyo xumaan baday
sow dookha nacaska ahi
raja naawil ima odhan(orann)

Exit mobile version