naftani kaligaa ku jecel nasteexo irmaan ku soor
qalbiga caashaqa ku nool nitaaqiyo hawl kadaa
dhaaxaan farax naawilee samirka noloshaan ku sugee
wakaa nasrigii curtee niyada ka diyar garaw

dadbaa dad is jecel nacee dhagaha nacab ha u ergayn
weedhaha nabarada ka taga naxliga yaan cidi ku farin
kashana cadho ha u nuglayn

naf qaybsi markaan ku biday nabdiga wehelbaan u helay
nuurka caashaqa u baxay waxaan ku nageeyay dookh
xulkii naflahaad tehee siduu nadrigaygu rabay
nasiibku haduu aqbalay

Exit mobile version