qoom wada dhashoo
qaaradaha dunida
magac qudha ka qoran
qawl iyo af qudha
ku hadloo qormana
wada daga qarniyoo
qorax soo baxdana
quudka isku hura

ayaa kala qobabay
qabyaalad
qoys qoys u xidhay
qabyaalad
qiimaheena dilay
qabyaalad
naga qabo ALLOW
qabyaalad

dhul qiyaas la'aan
qotontoo nimcada
qaaxadiyo dushaa
qasnadaha ku jira
ee wali qufulan
dadkan qayb u helay
qolqolkana si fudud
uga qaadan kara

maxaa qarafo baday
qabyaalad
qadoodiga dul dhigay
qaaxo noogu wacan
qabyaalad
naga qabow ALLOW
qabyaalad

qof aqoon lahoo
qarankiyo bulshada
wax u qaban lahaa
ama qaladka jira
iiman qab iyo
run ku qeexi kara
taladii qumana
aad u qaada kara

ayaa quus ka dhigay
qabyaalad
qolo loogo nacay
qabyaalad
qaaq ka wada nidhi
qabyaalad

qaar maamuloo
qadarinuun ku heli
dadyow dal qiray
qaydhin iyo busayl
qaranimada ku timid
ee hadii qumani
loo qaybsan laa
la qareensan laa

qindi yaa ku gura
qabyaalad
inta badan qarsada
qarsada
noogu wacan qabyada
qabyaalad
naga qabo ALLOW
qabyaalad

Exit mobile version