VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qalbi dhaawac - Lyrics

Inanyahaw dhigaagaba Kuma arag dhulkoo idil Sidaad iigu dheertahay Ruuxaan ku garab dhigo Dheeftana ma cuni karo Hadii aanan dhaayaha Dharaar qudha ku saarine Alloow aynaan kala dhiman Aynu laba is dhawrtoo Dhaqasho iyo guuriyo Nolol wada dhadhamiyo Isu dhiganta noqonee Dhinacaaga ila qabo Intaa nolol ku dhaqan baan Dheeman kaa dhex doortoo Sida dhibaca roobaad Dhaayaha uu roontee Halbawlahayga dhiigiyo Xididada dhamaantood Adigaa dhex qaadoo Qalbigaad ku dhigantee Aynu laba is dhawrtoo Dhaqasho iyo guuriyo Nolol wada dhadhamiyo Isu dhiganta noqonee Dhinacaaga ila qabo Jacayl aan dhacayn galin Xumaantana ka dhawrsoon Dhuuxiyo lafaha galay Ayaa igu dhamaadoo Dhab ahaan waxaa tahay Ruuxaan ku dhaatee Iga filo dhankaygana Inaan dhawro sharaftana Aynu laba is dhawrtoo Dhaqasho iyo guuriyo Nolol wada dhadhamiyo Isu dhiganta noqonee Dhinacaaga ila qabo Hadii reer dhismayntii U hagaajo dhidibada Laba dheeli tirayaa Markay dhab u heshiiyaan Qalbi dhaawac qabi jiray Markuu helay dhigiisii Ileen dhay sidii buu U dhamaa jacaylkee Aynu laba is dhawrtoo Dhaqasho iyo guuriyo Nolol wada dhadhamiyo Isu dhiganta noqonee Dhinacaaga ila qabo
Queue is empty
-- / --