VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Qalbi dhaawac mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Yurub Geenyo
Qalbi dhaawac

Inanyahaw dhigaagaba
Kuma arag dhulkoo idil
Sidaad iigu dheertahay
Ruuxaan ku garab dhigo

Dheeftana ma cuni karo
Hadii aanan dhaayaha
Dharaar qudha ku saarine
Alloow aynaan kala dhiman

Aynu laba is dhawrtoo
Dhaqasho iyo guuriyo
Nolol wada dhadhamiyo
Isu dhiganta noqonee
Dhinacaaga ila qabo

Intaa nolol ku dhaqan baan
Dheeman kaa dhex doortoo
Sida dhibaca roobaad
Dhaayaha uu roontee

Halbawlahayga dhiigiyo
Xididada dhamaantood
Adigaa dhex qaadoo
Qalbigaad ku dhigantee

Aynu laba is dhawrtoo
Dhaqasho iyo guuriyo
Nolol wada dhadhamiyo
Isu dhiganta noqonee
Dhinacaaga ila qabo

Jacayl aan dhacayn galin
Xumaantana ka dhawrsoon
Dhuuxiyo lafaha galay
Ayaa igu dhamaadoo

Dhab ahaan waxaa tahay
Ruuxaan ku dhaatee
Iga filo dhankaygana
Inaan dhawro sharaftana

Aynu laba is dhawrtoo
Dhaqasho iyo guuriyo
Nolol wada dhadhamiyo
Isu dhiganta noqonee
Dhinacaaga ila qabo

Hadii reer dhismayntii
U hagaajo dhidibada
Laba dheeli tirayaa
Markay dhab u heshiiyaan

Qalbi dhaawac qabi jiray
Markuu helay dhigiisii
Ileen dhay sidii buu
U dhamaa jacaylkee

Aynu laba is dhawrtoo
Dhaqasho iyo guuriyo
Nolol wada dhadhamiyo
Isu dhiganta noqonee
Dhinacaaga ila qabo

codkii Yurub Geenyo