hadii aan dhawaaqiyo
hadalkayga dhuuxayn
farxadayda kala dhiman
hadi aanu dhamaynayn
dhambaalkaan u dirayaa
qalbigaygan dhaawacan
hadii aanu dhayaynoo
reer ila dhisaynin
dhiiga kaan u shubayaa
dhibaan kaa mutaystee jacayloow
ila dhaaf jacayloow
hawlahaagan dhereen
abid soo dhamanayn

hadii aanu i dhaadayn
marna soo dhawaanayn
caashaqan i dhalan rogay
dhinaciisa qabanayn
nafta kaan u dhigayaa
waayaan dhursagayee
hadii aanu dhabaynayn
iina dhaga nuglaanayn
kaan ku dhaadanaaya
dhibaan kaa mutaystee jacayloow
ila dhaaf jacayloow
hawlahaagan dhereen
abid soo dhamanayn

Exit mobile version